Kenya Airways oo joojisay duulimaadkii Nairobi iyo Muqadisho ilaa amar danbe

Reading Time: < 1 minute

iyada oo ay ka soo wareegatay in ka yar labo bilood markii ay ku dhawaaqday shirkadda Kenya Airways in ay bilaabayso dulimaadka Nairobi – iyo Muqadishu ayaa Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz sheegay inay joojiyeen Qorshihii Duullimaadka Tooska ee ay isaga kala gooshi lahaayeen magaallooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

War-qaoraal oo uu soo saaray Gudoomiyaha  ayaa lagu sheegay inay ilaa muddo ah hakinayaan Duullimaadyadaasi, kadib markii ay soo wajaheen dibu dhac ku aadan sidii loo heli lahaa baahiyayaal farsamo oo dheeraad ah oo dhinaca Duullimaadka.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz waxa uu xusay inaysan samayn doonin Duullimaadyada Tooska ee Nairobi iyo Muqdisho ilaa amar dambe oo dheeraad ah.