Iyado shalay loo magacaabay Agaasimaha cusub ee Hey’ada NISA Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa waxa soo baxaya qaladaad iyo been abuur ku aadan ka been sheegida shaqsiyad ahantiisa.
Agaasimaha Cusub ee NISA Xuseen Cusmaan Xuseen aya qaladaad badan waxa ay ka jiraan C.V-giisa isago arimo is burinaya ku qortay.
Waxa uu C.V.giisa ku qortay in 1982-1991 uu ka mid aha ciidamada xooga dalka soomaaliyeed Gaashaanle Sare aha,waxa uu sido kale layaab noqotay in 1984-1990 uu waxbarasho BSC&MS uu ku maqnaa Romania,wana hadalo cad oo is doorinaya ama isdiidayaya.
Dood badan aya weli ka taagan oo dadka siyaasada wax ka yaqaana ay shegayan in la hareer maray ciidi dadka aqoonta u leh howlaha sirdoonka.
iyado uu Agaasimaha cusub uu magacabistiisa ka hor aha wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka ahna xubin ka mid ah baarlamanka dalka,sido kale horay xilka gudoonka baarlamanka uguso tartamay shaqooyinkasi oo anan wax shaqo ah ku leheyn howlaha ciidamada sirdoonka.
Waxa jira shaqsiyad sida agaasiman cusub oo heysta C.V-yo qaldan oo ay ka been sheegen shaqooyinkoda iyo heerka aqoontooda.