Karaash “Xamse awalba garab istaag kamayan filayn shacabka reer SSC”

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in shacabka SSC-KHAATUMO aysan marna ka filayn garab istaag Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Axmed Karaash ku sheegay in hadalada ka fiirsasho la,aanta ah ee uu u soo mariyay saxaafadda aysan waxba ka bedeli doonin halganka dadka reer SSC.

“Xamse awalba garab istaag kamay filayn Shacabka reer SSC ee loo Xasuuqayo Midnimada Ummada Soomaaliyeed, inuu hadalo noocaas ah oo ka fiirsasho la’aan ah Warbaahinta usoo mariyo waxba kama bedeli doonto mawqifkooda iyo halganka ay ku jiraan toona.”

Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa habeen kahor dhaliilay kacdoonka shacabka SSC-KHAATUMO ay uga horyimaadeen maamulka Somaliland iyo dagaalka ka soconaya inkabadan afar bilood magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, waxaana uu tilmaamay in uu yahay mid qabiilaysan oo aan loo baahnayn.

Axmed Karaash ayaa u soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha XFS in uu isaga aamuso halganka bulshada SSC-KHAATUMO. “Isagana waxay dani ugu jirtaa inuu iskaga aamusnaado sidii looga bartay.”