Karaash oo guddi baaritaan u saarraya iska-horimaadkii ka dhacday Gaalkacyo.

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Axmad Karaash ayaa  sheegay guddi baaritaan u saarraysa dhacdadii khasaaraha sababtay ee xalay ka dhacday Gaalkacyo.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu sheegay in guddi baaritaan loo magacaabayo xaqiiqa raadinta dhacdadaas.

Waxaan u magacabayaa Guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falka dhacay.

Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan”