Karaash “musharaxiin waalatay, hinaasyo badan, ayagana wax isku ogolaynin baa inoo timi”

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland,  Axmad Karaash oo la kulmay qaar ka mida musharaxiinta ka timid magaalada Muqadishu ee haatan ku sugan magaalada Garowe sheegay in uu aad ula yaabay dhaqanka kuwa isku sheegayo in ay yihiin musharaxiin u tartamaya Jagada madaxweynaha Soomaaliya.

“Adeer waxa yaab igu noqotay, musharax kastaa waxa uu ku mashquulsan-yahay in uu isku kaa sawiro, waxa laguu soo dirayaa eheladaada ama asxaabtaada, si uun la isugu kaa sawiro, markii mid isku kaa sawiro kuwii kale ayaa ka hinaasaya oo ayaguna ku soo wacaya oo kaa codsanayo in ay isku kaa sawiraan” ayuu yiri Karaash oo xalay rag ehaladiisa ah u waramayay.

Waxa uu intaas ku daray “ mid kastaa waxa uu wataa sawir qaade, cameraman oo video ka duubayo, Baratakool dhowr qof ah iyo ciidan ilaale u ah, sidee caruurtii ayaa midba midka kale ka hinaasayaa iyaga oo aan lahaynin wax aragti oo ay dalka ku maamulayaan, adeer indhaha unbaa iga soo baxay oo waaba aanu yaabnahay”.

Musharaxiinta ku sugan Garowe oo ayan jirin wax dan ah ama aragti ah oo iyaga ka dhaxeeysa ayaa mar qura  iska xaadiriyay magaalada Garowe iyaga oo aan garanaynin sababta rasmiga ah oo ay halkaas u tageen.

Mar hadii ay yihiin koox sameeysatay madal ay ku mideysan yihiin, maxaa u diidaya in Garowe  u dirsadaan wafuud matasha halkii iyaga oo wada socda oo aan kala harin u tagayaan Garowe. Waxa ay taa daliil u tahay in ayan iyaguba is-aaminsanaynin oo ay kala shakisan yihiin!