Kalsooni daro iyo is-eedeyn hareysay muranka doorashooyinka & Digniin loo diray Farmaajo

Reading Time: 2minutes

Bilowgii todobaadkan aan ku jirno, markii ugu horreysay muddo bil ka badan, dhammaan shanta madaxweyne dowlad goboleed, madaxweynaha dowladda federaalka, iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, waxay oggolaadeen inay kulmaan.

Ujeeddada ayaa ahayd in la dejiyo ajandaha wadahadallada ku saabsan doorashada qaranka. Siyaasiyiintu waxay sameeyeen odoras ku saabsanqaabka ay suurtagal tahay in uu kusoo dhamaado wadaxaajoodka.

Iyaddoo goobta lagu heshiiyey, kulanku wuu buuq badnaa. Diblumaasiyiinta ayaa la sheegay inay kala taageerayaan darafyadda, sababtaas awadeed, dhinacna kuma dareemayn in uu ku badbaadayo. Siyaasiyiinta qaar waxay ka cabsi qabeen inay khatar ku geli karaan ama lagusameynayo.

Arbacadii, wadahadaladii ayaa burburay. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe, ayaa eedeyn dusha uga tuuray hogaamiyaasha Puntland iyo Jubaland.

“Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay u caddeyneysaa dadka Soomaaliyeed in hoggaamiyeyaasha dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland aysan raalli ka ahayn in dalkan lagu qabto doorasho ku saleysan heshiiskii 17-kii Sebtember iyo heshiiskii 16-kii Febraayo,” ayuu yiri Dubbe.

Qodobada la isku hayo waxaa ka mid ah dhismaha guddiga doorashada, xulista xubnaha metalaya Somaliland, gobolka xadka Soomaaliya iyo Kenya ku yaala dhibaatada ka taagan tahay ee Gedo, weeraradii lagu qaadey musharaxiinta 19-kii Febraayo, damaanad-qaad caalami ah iyo in wadaxaajoodyada laga qeybgeliyo musharaxiinta iyo afhayeenada baarlamaanka.

Dowladaha Puntland iyo Jubaland oo iska fogeeyay eedeynta wasiir Dubbe ayaa sheegay in fariintiisa ay ahayd mid lasii diyaariyey, iyagoo Farmaajo ku eedeeyay in uu ku talagalay burburinta wadaxaajoodyadda.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2020 ayaa raadinaya in dib loosoo doorto. Mucaaradka waxay sheegeen in madaxweynuhu rabo in uu kusoo laabto “qaab musuqmaasuq ah”.

Soomaaliya horey ugama dhicin in madaxwayne mar labaad la doorto. Tani waxay ka dhigan tahay in doorashadu mar walba ahayd mid uu kusoo baxayey shaqsi cusub. Balse, waa markii u horeysay ee madaxweynaha waqtiga ka dhamaado iyaddoo aan laga heshiin qaabka kala guurka loo maareynayo.

Xataa haddii jahwareerka laga gudbo, dhibaatooyinka ka dhasha waxay qaadan karaan sannado in dalka ka soo kabto.

Jariiradda The Guardian ayaa qof ku xeel-dheer siyaasada kasoo xigatay “Laga yaabee afar sano kadib inaan markale isla wada hadallo ka yeelan doono”. Wuxuu ku kaftamay: “Waan ku xusuusin doonaa haddii aan sii noolaado”.

Baarlamaanka haatan jooga wuxuu waqtiga ka dhacay 27-dii December, halka madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu idlaaday 8-dii Febraayo.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hadda laga yaabaa inuu qaato door firfircoon oo dhexdhexaadin ah. Falanqeeyayaasha iyo dhaqdhaqaaqayaasha ayaa sheegay in wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo safiirka Mareykanka ay aheyd inay si cad ugu lug-yeeshaan dedaalada xalka lagu raadinayo.

Dad badan ayaa rumeysan in beesha caalamku ay iska indhatirtay calaamadaha muujinaya in xiisaddu ay sii kordheyso isla markaana “naxariis u muujinayaan” maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo “kaasoo aan dheg-jalaq-u-siineyn walaaca laga muujinaya talaabooyinkooda kursi isku dhejinta”.