Kalluumeysatada deegaanka Xaafuun oo ka cabanaya doonyo kalluumeysi sharci-darro ah

Reading Time: < 1 minute

Kalluumeysatada ka jillaabta xeebta degmada Xaafuun ee Gobolka Bari ayaa ka cabanaya doonyo kalluumeysi sharci-darro ah oo wax ku buufinaya badda si kalluunka badan uga soo baxo.

Qaar kamid ah Kalluumeysatada ayaa Warbaahinta  sheegay in xeebta degmada Xaafuun ay buux dhaafiyeen doonyo kalluumeysi oo sharci-darro ah islamarkaana wax ku buufinaya badda.

Waxay sheegeen in doonyahaas ay saaran yihiin qalab lagu buufinayo badda kaas oo kalluun badan oo wada sirirsan (suuxsan) ka soo saaraya gudaha badda kadibna ay si fudud doonyaha ugu rarayaan.

Cabashooyinka la xiriira Kalluumeysiga sharci-darrada ah ayaa mudda dheer ka taagan xeebaha Puntland gaar ahaanna Gobolka Bari iyadoo aysan jirin weli cid wax ka qabatay.

Xaafuun ayaa horay uga tirsanaan jirtay Gobolka Karkaar waxaase Gobolka Bari lagu daray 17 December 2020 kadib go’aan ka soo baxay golaha wasiirada Puntland oo Garoowe ku shiray.