Sidii la filaayeyba Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ku dhawaaqay in uu murashax u yahay xilka ugu sarreeya dalka oo ah Madaxweynaha JFS.
Xildhibaan hore ,Wasiir hore iyo Madaxweynaha Puntland oo hadda yahay Saciid Deni markaad dhugato oo si fiican fiiriso garaadkiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqsiyadeed layaabi maysid inuu xilkaan hunguri ka soo galo isagoo aan wadan hadaf siyaasadeed oo hami, balse sheegay kaliya in uu xilka u soo doontay kaliya in Farmaajo uusan dib u soo noqon.
Waxaase is weydiin mudan ,sidee qof maamulaayey doorashada dalka kana mid ahaa marjicii doorashada ee GWQ ku noqon kara Murashax madaxweyne ee JFS?!
Murashaxnimada saciid deni haddii ay caadi tahay farmaajo waa laga qaldanaa oo ma aheyn in doorashada iyo amnigeedaba lagala wareego ,haddii qof waliba shaar isaga la’eg uu ka tolanaayo doorashada isla markaasna uu xulanaayo shaqsiga uu hubo codkiisa farmaajo iyo kooxdiisa NN ayey u suurtagali laheyd damacooda ,balse waa laga dhiidhiyey.
Dowladnimada soomaaliya waxaa mushkilad weyn ku ah cadaalad darro , wax is daba marin iyo halaga socdo maanta berri ayey hagaagaysaaye iyadoon aanba fiiro qoto dheer looyalin qaladaadka siyaasiyiinta ku kacayaan si ay u jaangooyaan damacooda shaqsiga ah.
Maamulka Saciid Deni ,inta uu ka talinaayey Puntaland waxaa lagu xasuustaa oo tusaale cibro qaadasho kuugu filan ah ,mahadhooyin ku suntan diiwaanka siyaasadeed Madaxweyne PL Saciid Deni waxaana ka mid ah:-
1. Xasaanad ka qaadidii 8 xildhibaan oo ka tirsanaan Baarlamaanka Puntland waliba sifo sharcidarro ah.
2. Weerarkii iyo xil ka qaadistii gudoomiyihii hore ee Baaralamaanka Puntland Mudane Cadixakiim Maxamed Axmed Dhoobo daareed.
3. Hab maamulkiisii doorashada laba Gole oo si aan marna dhexdhexaad aheyn ayuu ku maamulay, oo waxaan xasuusanaa 2 saac in lagu doortay 16 xildhibaan ee boosaaso u aheyd deegaan doorasho.
4. Dagaalkii qasaara geystay ee ka dhacay magaalada Bosaaso ka dib khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay xilka qaadis u muuqatay beegsi siyaasadeed ah uu kula kacay agaasimaha PSF Gen Maxamuud Diyaano.
Madaxweynaha PL Saciid Deni oo aanaan Puntland ku arki laheyn hab dhaqankiisa siyaasadeed iyo kiisa maamuleed maanta waxuu u muuqan lahaa Nin oday ah oo waayo arag ah , aqoonyahan oo mudan in dalka uu hogaamiyo balse markaad fiirisid ficiladiisa guracan iyo hab dhaqankiisa kalitakisnimo kuma habboona in uu noqdo shaqsi lagu aamini karo masiirka ummadda Soomaaliyeed oo la rabo in ay ka soo kabato shan sano oo dib u dhac, cuduro, abaaro iyo amni darro ah.
Danta dalka ,dad isku wadista ,dib u heshiisiin dhaxal gal ah iyo horumarka Soomaaliyeed ee dhinac kasta Saciid deni fursad ugama banaana maanta maalin kalaba yeelkeede.
W/Q Xildhibaan cusub oo laga soo doortay Puntland, codsadayna in aan magaciisa qarino.