Kala Qiimo Badan Dhibaatada Qatar & Farmajo iyo Taageerda Rooble & Imaaraadka.

Reading Time: < 1 minute

Safarkii la mahadiyey ee RW Rooble ku tagay Imaaraadka ayaa waxaa ka soo baxay wanaag iyo kaalmo runtii muhiim u ah umadda Somaliyeed ee ay abaaraha ku habsadeen.

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dalabkii uu u gudbiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kadib booqasho uu dhowaan ku tegay magaalada Abu Dhabi, isaga oona ka codsaday gargaar bani’aadanimo.

Imaaraadka oo ka jawaabayey dalabka Rooble ayaa Soomaaliya u soo diray diyaarad sidda gargaar, taas oo maanta soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Diyaaradda ayaa keentay shixnado kala duwan oo gargaar ah, isla-markaana loogu tala-galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka gargaarka, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guddiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa deeqdaan gargaarka ah kula wareegay garoonka Aadan Cadde oo lagu qabtay munaasabad kooban.

Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Imaaraadka gargaarka ay Soomaaliya soo gaarsiisay, uguna deeqday dadka tabaaleysan.

Waa gargaarkii labaad ee uu Imaaraadka soo gaarsiinayo Soomaaliya, waxaana ay aheyd todobaddii bishii la soo dhaafay ee Janaayo markii uu Rooble garoonka kula wareegay deeq gargaar ah oo ka timid magaalada Abu Dhabi, kadibna raali-gelin siiyey Imaaraadka Carabta.

Hasa yeeshee,  dalka oo Qatar oo joogto u taageerta dhibaatooyinka Fahad iyo Farmajo dalka ku hayaan ayaan maalinna wax wanaagsan u sameyn Somaliya. Taageeridda Shabaab iyo Kooxda Farmajo waa isugu mid dalka oo waxay ku hayaan dhibaatooyn isku mid ah, waxayna shacbiga Somaliyeed rajeynayaan inay maalin uun ka aarsadaan hogaanka Qatar oo dhibka joogtada ku haya.