Maanta ayaa lagu wadaa in munaasabad lagu daah furayo kalfadhiga afaraad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Furitaanka kalfadhiga afaraad ee Aqalka sare ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona dhammaan xubnaha Aqalka Sare, waxaana hada socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku aadan furitaanka kulankan.
Amaanka wadooyinka soo gala xarunta aqalka sare ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan.
10 bishan ayaa lagu waday inuu furmo kalfadhiga afaraad ee Aqalka sare, hasa ahaatee waa uu baaqday.