Kala Fadhiga 3aad ee Labada Aqal Barlamanka oo La Shaciyay Waqtiga uu Furmi Doono & Mooshinka Kheyre oo Laso Dadajinayo

Reading Time: < 1 minute

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 10-ka Bishaan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 10-xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka loo xilsaaray diyaarinta munaasabadda furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka Bishaan.

Waxa lagu wada marka uu furmo kala fadhiga Baarlamanka in uu la horgeeyo Mooshin ka dhan ah Raisul Waare Xasan Kheyre oo xildhibaano badan ay dhaliilsan yihin habmaamulka ay xukuumadiisa wado iyo wax qabasho la’aan taasi xildhibaano badan ay shegayn in aysan fiirso karin.
Sido kale Xildhibaanadan aya waxa bogadinaya oo tagero maaliyadeed siinaya Agaasimaha Madaxtoyada Fahad Yasin kaasi Farmaajo ka wakiil ah.
Sido Xildhibaanda Qaar aya shegaya in Xukuumadu ay kula Xisaabtami Donan Xirnaan Shiyaha Wadooyinka ay Xukumadu xirtay iyo Waxa Ka qabashada amaanka oo sii xumaanaya.
Sida la qorsheyay 10-ka bishan ayuu furmi doona iyado uu furi dono Madaxweyne Farmaajo