Xili mooshin laga gudbiyay Gudomiye Jawaari manta waxa lasaadaalinaya in Raisul wasaare kheyre mooshinkisa la diyaariyay oo la gudbi dono.
Raisul Wasaare Kheyre aya xalay ka baaqday kormeer uu damacsana in uu ku so maro qeybo ka mid ah Isgoysyada qaar ee Muqdisho waxana u sabab aha baaqashadisa in kadib marki uu maqlay mooshinka Jawaari laga gudbinayay iyo mooshinkisa oo taagnaa.
Mooshinkan ayaa heer gaba gabo ah maraya waxaana si weyn looga dareemayaa Madaxtooyada Soomaaliya oo jawi xasaasi oo siyaasadeed gashay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa laga gudbiyay Mooshin ka dhan ah, iyadoo Xildhibaanada ay ku eedeeyeen ku takri fal awoodeed.
Saraakiil ka tirsan Madaxtoyada aya shegaya in Kheyre mooshinkiisa la gudbi doono oo laso bandhigo doono, waxaana Madaxtooyada ka socda kulamo looga hortagayo mooshinkaasi.
Si kastaba ha ahaatee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhexda kaga jirta xiisad siyaasadeed oo mudooyinkii dambe la saadaalinaayay, waxaana laga yaabaa inay ku baxaan Madaxda qaar sida Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.