Raisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafdigii uu horkacayey ayaa duhurnimadii maanta salaadii Jimcaha ka dib ku soo laabtay dalka ka dib markii ay soo dhameysteen booqasho dhowr cisho qaadatay oo ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta.
Wafdiga raisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha xukuumada iyo Baarlamanka.
Xasan Cali Kheyre aya Dalka Imaaraadka waxaa uu ku saxeexay in Dekadda Berbera Gacanta Somaliya laga bixiyo iyadoo loo kale qeybiyey Itoobiya iyo Imaaraadka.
Inkasto warar isburinaya ay kaso baxayeen xukumada iyo iyo madaxda sare ee dalka,wasiirka gaadiidka iyo dakadaha xukuumada aya war kaso baxay waxa lagu shegay in heshiiskasi ay bari ka tahay dowlada dhexe oo aysan lasocon arintaasi oo shaki xoogan galineysa hab maamulka dowlada iyo xukuumada madaama anan la iska war heynin.
Soo laabashada raisul wasaaraha ayaa ku soo aadeysa xili maanta Al-shabaab weeraro culus oo isugu jira qaraxyo waaweyn iyo dagaalo culus ka geysteen degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose, aadna ugu dhow magaalada Muqdisho.