Kacdoon iyo banaan-baxyo ka socda magalaada Jabuuti

Reading Time: < 1 minute

Markii ugu horeeysay mudo sanado ah ayaa Magaalada Jibouti ee caasimadda dalka Jabuuti, ayaa saaka  waxaa ka bilowday, banaanbaxyo lagu dalbanayo in xabsiga laga sii daayo nin askariya oo u xiran dowladda. Askariga xiran oo duulliye ah, magaciisana lagu sheegay Fu’ad Yousuf Ali, ayaa hadal-hayntiisu baraha bulshada qabsatay, kadib markii uu muuqaal isaga soo duubay gudaha xabsiga, isagoo sheegay in lo gaystay dulmi ,islamarkaana uu ku dhex xiranyahay suuli aad u nadaafad-xun oo bahalo galeen ah.

Fu’ad Yousuf Ali oo hadlay ayaa sheegay in markii hore xabsiga loo geliyay, kadib cabasho uu ka muujiyay dulmi ka haystay saraakiisha isaga maamula, balse taas beddelkeeda, isagii xabsi suuliya lagu illaaway halkaasna uu silic iyo dayac ku haysto. Sidoo kale, xaaska maxbuuska xiran oo muuqaal soo duubtay, ayaa shacabka Djibouti ka dalbatay, in ay garab istaagan iyada iyo saygeeda, oo sida ay sheegtay dulmi iyo xaq-darro ku xiran.

Dowladda Djibouti weli kama hadlin dhacdadaaas, oo saacadihii u dambeeyay baraha bulshada qabsatay, inkastoo la soo sheegayo in ay saaka awood ciidan u adeegsanayso shacabka dibax-baxyada dhigaya. Madaxweynaha mudada dheer maamulayay Jabuuti ee Ismaïl Omar Guelleh, ayaa marar kala duwan lagu eedeeya xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda insaanka, kuwaas oo u badan xabsi iyo ciqaab la mariyo kooxaha mucaaradsan dowladdiisa.