Kaalmooyinka Imaaraadku Siiyo Soomaaliya oo aan wali joogsan iyo Deeq la Gaarsiiyay Kismaayo!!

Reading Time: 2 minutes

Dekadda Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa kusoo xiratay Markad Deeq Raashin iyo Dawooyin iskugu Jirta sida taasi oo ka Timid Walaalaha Imaaraat-ka Carabta.

Markab lagu Magacaabo Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa kusoo xirtay Dekada Magaalada Kismaayo waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la gaarsiiyo deeqdaasi dadka danyarta ah ee U baahan gargaarkaan,masuuliyiin sar sare oo ka Tirsan Dowlada Imaaraat-ka ayaa deeqdaani imaatinkeeda  Kaalin Mugleh ka qaatay Sida ,Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, Amiirka Abu Dhabi iyo Ku-xigeenka Taliyaha  Ciidamada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, Raiisul Wasaare Ku-xigeen, iyo Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada  iyo Guddoomiyaha  Al Nahyan Foundation.

Gudoomiyaha  Hay’adda Khaliifa Bin Zayed Al-Nahyan oo hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kaalin muhim ay kasii qaadan doonan bixinta deeqdaani,carabka ayuu ku adkeeyay in si siman loo gaarsiin doono dadka reer jubbaland ee u baahan deeqdaan islamarkaana danyarta ah

Madaxda Sare Ee Dalka Iyo Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyadda ayaa Amaanay deeqdaaha walaaltinimo ee Imaaraat-ka carabtu mar walbo la garab taagan tahay Umadda Soomaaliyeed.

Deeqdaan gargaarka ah ayaa waxaa ay gaareeysaa ilaa iyo 824 oo tan waxeeyna wax badan ka bedeli doontaa Xaalada Nololeed ee Barakacayaasha ku nool deegaanada Maamulka Jubbaland.

In Xariir Wanaagsan lala yeesho Imaaraat-ka ayaa waxaa ay Wado cadeeyn ah u tahay in aan laga maarmin islamarkaana aana laga doorbidin Karin Dalal aan waxba u tareeyn Umadda Soomaaliyeed