Ka Dib Safar Watay Kulamo Lagu So Bahdilay Mudane Kheyre oo Dalka Dib Ugu So Laabtay Manta

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib maalmo uu ku sugnaa wadanka Mareykanka.

Mudane Kheyre aya mareykanka kaga qeyb galay shir loga hadlayay amanka wadamada colada ay ka jirto waxana uu halkasi kala kulmay bahdilaad xoogan iyado intii uu halkaasi ku sugna usan la kulmin xubin muhiim ah oo xilweyn halkasi ka heysa isago kulamo la qatay agaasimayal iyo xoghayayaal arinkasi oo ah mid lagu bahdilay Maadama Raiisul Wasaare Dal uu yahay lona bahna in masuul udhigma uu la kulmo.

waxa uuna markii uu ka soo degay garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa loo soo gudbiyay xarunta Tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliya,halkaasi oo ay ka socoto Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Khayrre ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalane uu ka warbixiyo shirkii uu kaga qayb galay Dalka Mareykanka.