Ka Dib Kulanki Jawaari Iyo Farmaajo,Kala Shaki So Kala Dhex Galay Farmaajo Iyo Kheyre

Reading Time: < 1 minute

Isxulufeysi adag aya weli ka dhex taagan xarunta Madaxtoyada Soomaaliya waxana weli jira Xildhibaano kulamo kala duwan wada kuwaasi lakala safan Xukuumada iyo Jawaari.

Kulamada ka soconaya Madaxtoyada aya waxa ay yihin kuwa lagu lolamayo in cid waliba dhankeda ay libinta hesho,iyado kala shaki uu so kale dhex galay madaxweynaha iyo Gudoomiye Jawaari oo kol sii horeysay aysan jirin calaaqaad iyo xiriir wanagsan oo mdhex yaalay.

Tan iyo kulankii Gudoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Farmaajo waxa dood badan lagaliyay waxa ay ka wada hadleyn iyo waxa lagu heshiiyay in kasto kulanku uu aha mid albaabada uu uxirnaa.

Raiisul Wasaare kheyre aya waxa hada soo foodsaartay cabsi xoogan oo uu ka qabo kulanka Gudoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Farmaajo iyado haatan ay so fodsartay cabsi uu ka qabo in mooshinka lo weeciyo dhankiisa.

Xildhibaano ku beel ah Madaxweyne Farmaajo aya kulamo kala duwan la yeelanaya Madaxweyne Farmaajo iyago u shegayan in amusnaantisa ay dhibaato u keeni kareyso,taa badalkedana uu taageero Gudoomiye Jawaari si mooshinka meesha loga saaro.

Mooshinka aya laga yaba in uu weji cusub uu yeesho iyado Xildhibanada ku besha ah madaxweyne Farmajo ay ku rixayan Tagerida Jawaari,iyado mooshimo xoogan oo horleh la saadalinayo.