Ka Dib Codsigii Fashilmay ee Xukuumada Kheyre Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada oo Bilaabay In Ay Iscasilaan

Reading Time: < 1 minute

C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federalka Soomalaiya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

C/casiis Lafta Gareen oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu doortay iscasilaadaasi, kadib markii sida uu sheegay uu isku soo sharaxay xilka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, sidaasi awgeedna booska Wasiiru dowlaha uu isaga casilay.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay xubnaha Wasiirada ah ee isku sharaxaya xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya in laga doonaayo inay xilkaasi iska casilaan.