Ka Dib Bixistii Saraakiisha Ciidanka Imaaradka, Xaalad Adag oo Ka Taagan Xerada Jeneraal Gordan

Reading Time: < 1 minute

Xaalad adag ayaa ka taagan Xerada Jeneraal Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Militariga, kadib markii Imaaraadka ay si rasmi ah u wareejiyeen xeradaasi, qalabkii ugu muhiimsanaana ay ka qaateen.

Saraakiil iyo askar kala duwan ayaa bixiyay xog ku aadan xaaladda ka taagan Xerada Jeneraal Gordan oo Khamiistii laga jartay Korontada, kadib markii matooradii ay qaateen Imaaraadka Carabta, maadaama xeradaasi ay wareejiyeen.

Khamiistii illaa hadda ma jirto wax Koronto ah oo ka shaqeynaysa Xerada Jeneraal Gordan, dowladana arrintaasi iskuma aysan hawlin.

Shalay Casir liiqii waxaa tagay Xerada Jeneraal Gordan Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, intii uu ku guda jiray kormeerka xerada wuxuu galay qol ka mid ah qolalka, waxaana layr ahaan loo isticmaalaayay Moobeelada ay wataan askarta Tooshashkooda.

Askar ka mid ah ciidamada ku sugan Xerada Jeneraal Gordan ayaa sheegay inay dareemayaan niyad jab ku aadan xaaladda Xerada ka jirta, waxay kaloo sheegeen qalab ciidanka ay lahaayeen oo ay isticmaalayeen inay qaateen Saraakiil ka tirsan ciidamada Militariga.

Qalabka la qaatay ee askarta sheegayaan waxaa ka mid ah Qasaaladaha dharka lagu dhaqo oo ciidanka isticmaalayeen, Daawooyin kala duwan oo ciidamada ay lahaayeen.

Ciidamada Imaaraadka ay tababareen oo bil kasta qaadan jiray lacag dhan 300, halka kuwa sida gaarka ah u tababaran ay qaadan jireen 700 ayaa hadda dareemaya walaac xooggan oo ku aadan joogto inay u helayaan lacagtaasi.

Waxa jira walaaca ah in askarta ay kala tagaan, maadaama aysan dowladda ka helayn daryeel wanaagsan.

Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Somaliya Jeneraal Caanood ayaa saaka u tagay askartaan, isaga oo u laab qaboojinayana, wuxuu u sheegay inay ku samraan xaaladaha kala duwan ee la soo darsay, una adeegaan dalkooda hooyo.