Wasiirka Arimaha Gudaha ee dowlada Goboleedka Puntland ayaa wareysi uu siyaya idaaacada Daljir waxa ku eedeyay madaxda dowlada federaalka inay soo abaabushay dagaalka xalay ka dhacay duleedka magaalada Garowe.
Wasiir Juxa ayaa eeda dusha uga tuuray wiil uu dhalay Senator Faroole oo hada lataliyaha madaxweyne XasanSheekh. Juxaa ayaa yiri “Ergeyga Xasan Sh Maxamuud ee Arimaha Dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabuley weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sh Maxamuud sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo,”
Dhanka kale ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidanka PMPF ayaa ku dhintay ilaa sagaal kalena waa ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe.
Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan dhexmaray ciidanka dowladda oo Garoowe ka qaaday sanaadiiqda doorashooyinka qof iyo cod iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee doonaya in la joojiyo doorashooyinka.
Gaadiidkii siday sanaadiiqda iyo agabka doorashooyinka oo markii dagalku qabsaday ku laabtay Garoowe ayaa maray waddo ka baxsan laamiga dheer islamarkaana gaaray goobihii loogu tala-galay sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.
Labada dhinac ee dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah midna weli kama hadlin dagaalkii xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe kaas oo ku soo beegmay saacado yar kadib markii siyaasiyiinta mucaaradku ay ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod si aysan u sababin qalalaase amni.