Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa diiday in uu ku biiro urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah. Wasiirka oo marar kala duwan loo jeediyay in uu ku biiro ururka Kaah ayaa iska diiday dalabkaas sida ay wararku xaqiijinayaan
Mudane Juxaaa ayaa ku doodaya in uu dhex-dhexaadnimada luminayo haddii uu ku biiri urur siyaasadeed gaar ah. Wasiirada ugu dhow Siciid Deni oo ay ku jiraan Dhabancad iyo Lugatoor ayaa ka tirsan urur siyaasadeedka xukuumadda.