Jubbaland oo xiratay xuduudaha Magaalada Kismaayo: Cirka, dhulka iyo Badda

Reading Time: < 1 minute

Qoraal ka soo baxay caawa fiidkii Guddiga Amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu dhawaaqay  in laga bilaabo caawa oo ay taariikhda ku beegan tahay 20-Bisha Agoosto in la xiray dhammaan xuduudaha laga soo galo Magaalada Kismaayo sida Cirka,dhulka iyo Badda.

Amarkaan ayaa la xiriira sugida  amniga inta ay socoto Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland oo lagu wado in la qabto maalinta Khamiista ee bisha Agoosto tahay 22ka.

Guddiga Amniga  ee Jubbaland ayaa waxaa  ay sheegeen in laga  mamnuucay in garoonka diyaaradaha, Gaadiidka badda iyo barigga midna aan laso gali karin muddada lagu jiro doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Hoos ka Akhriso Warka kasoo baxay Guddiga amniga Jubbaland.