Jubbaland oo sheegtay inay dib ugu soo laabteen Ciidamadii ay la wareegtay Dowladda

Reading Time: < 1 minute

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey in Ciidamo ka tirsanaa kuwa Daraawiishta Jubbaland balse ku biirey Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ay dib ugu soo laabteen Xeryahoodii ay markii hore ka tageen ee Jubbaland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxman Maxamad Xassan ayaa sheegay in Ciidamadaan ay markii hore dowladda Soomaaliya si qasab ah uga waday xeryahooda,isla markaana u diiwan gelisay,hayeeshee dadaal ay sameeyeen kadib ay dib Maamulka ugu soo celiyeen.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay baryihii dambe ku howlanaayeen inay xiisad dagaal ka dhex abuuraan Shacabka wada dega deegaannada Gobolka Gedo waa sida uu hadalka u dhigey.

Marka laga soo tago Warkana kasoo yeeray Maamulka Jubbaland weli saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo kama hadlin,waxana xusid mudan in Dowladda Soomaaliya ay todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamo farabadan geysay Gobolka Gedo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!