Jubbaland oo sheegtay in ayan qusaynin go’aankii Golaha Wasiirada

Reading Time: < 1 minute

Qoraal ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in aysan qusaynin go’aanka ka soo baxay galaha wasiirada ee lagu sheegay in lagu ansaxiyay sharciyada Doorashooyinka, Xisbiyada iyo kuwii ka horeeyaya ee arimaha shidaalka.

Go’aanka ay qaadatay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu daba socdaa go’aan la mida ah kan oo ay horay u qaateen dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland. Diidmada ka timid dowlad goboleedyada ayaa waxa ay caqabab hor leh ku noqon doontaa shirka la filayo in uu ka dhaco  magalaada Garowe.

Ra’iisal Wasare Kheyre ayaa ay ka go’an tahay in uu carqaladeeyo shirka Garowe si uu ugu dhamaado fashil. Go’aanka Golaha Wasiirada waxa uu qayb ka yahay ka hortaga go’aanada la filaayo in ay ka soo baxaan shirka Garowe hadiiba uu qabsoomo.