Jubbaland oo markii ugu horeeysay ka hadashay safarka kheeyre ku tegaayo kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hosoe ay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kadib markii dhawaan uu dib u dhigay safarkiisa markii uu geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay safarka Kheyre uu ku tagayo Magalada Kismaayo, waxaana ay sheegeen inay u diyaar garoobeen soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Gooni ayaa sheegay in safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Kismaayo uu yahay mid meesha ka saarayo khilaafkii iyo mad madowgii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago Magalada Kismaayo waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas,waxaana uu sidoo kale booqan doonaa Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose.