Dowlada iyo shcabka reer Jubbaland ayaa u muuqda kuwa si wadajira u qaatay go’aan ay uga soo horjeedaan joogitaanka Xasan Cali Kheyre ee degaanka Jubbaland. Qaar kamida siyaasyiinta Jubbaland oo dhaqaale badan ka qaatay Xasan Cali Kheyre iyaga oo u balan qaaday in ay la shaqeyd dooonaan.
“Kheyre waxba kama noqonaayo Soomaaliya, isagana waa ogtahay Soomaalidana waa ay ogtahay, dhib badan uma gaysan doono, ee lacagtii uu dalka ka soo dhacay ayaan ka qaadanaynaa – waxaanba is leeyahay xaqii baa feeraha ka dilaacay” Sidaa waxa yiri mid kamida Senatorska laga soo doorto Jubbaland oo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno.
Dhanka kale Madaxa olelaha Xasan Cali Kheyre ee Jubaland Axmednuur Maxamed Axmed “Uleex”, horayna u ahaa xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa laga soo ceyriyay magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel gaarka u ah Jubaland.
Waxaa kaloo isna laga soo ceyriyay deegaankaas ninka lagu magacaabo Cabdulqadir Carab oo ahaa ganacsade ka soo jeeda heybta Axmad Madoobe laakiin dhaqaalihiisii uu horay ugu burburay dalka Kenya. Ninkaas oo daneeynayay in uu Kheyre lacag ka soo dhacsan karo ayaa isna laga soo ceyriyay halkaas..
Jubbaland ayaa xiray dhowr guri oo muddoyinkii ugu dambeeyay uu ka socday ololaha musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre, oo isku dayay in uu xildhibaanno isaga taageersan ka soo saarto Kismaayo. Waxaana guryahaas gacanta ku hayay ganacsade Cabdulwadir Carab
Warka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ammaanka ayaa ku wargeliyay Axmednuur in uu Kismayao uga baxo muddo 24 saac ah horraantii bishan Janaayo, iyaga oo u sheegay in ay tahay amar dhanka mas’uuliyiinta sare uga yimid. Axmednuur waxa uu ka soo jeedaa Jubaland waxa ayna isku heyb yihiin madaxweyne Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe waxa uu dhowaannahanba cadaadis kala kulmayay beesha Absame oo uu ka soo jeedo Cabdikariin Muuse “Qalbi-Dhagax” oo dhowr kulan oo ay la galeen u sheegay in aysan isbaheysi siyaasadeed la sameysan karin Xasan Cali Kheyre.
Beesha Absame ayaa Kheyre iyo Farmaajo u haysata inay Qalbi-Dhagax u gacan geliyeen cadowga Ethiopia, ayada oo si gaar ahna Kheyre loogu haysto in xukuumaddiisa ay argagixiso ugu yeertay ururka xornimo doonka Soomaaliyeed ee ONLF.
Kiiska Qalbi-Dhagax ayaa toddobaadkan dib usoo shaac baxay kadib markii ay xukuumadda Rooble ONLF ka saartay liiska argagisixo, sidoo kalena sheegtay inay khalad aheyd dhiibistii Qalbi-Dhagax, kana raali-gelisay.
Dib usoo if-bixidda kiiska dhiibidda Qalbi-Dhagax iyo ku lug lahaansihii Kheyre ayaa la rumeysan yahay inay dhaawac weyn ku tahay rajada Xasan Cali Kheyre uu ka qabo in madaxweyne loo doorto.