Maamulka Jubbaland ayaa Saacado kadib waxa ay ka hadleen dilkii xalay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo Al-Shabaab ugu geysteen Nabadoon Dhaqane Qaasim Amiin oo kamid ahaa salaadiinta deegaanada
Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa marka hore guud ahaan dadka Soomaaliyeed sigaar ah dadka Jubbaland uga tacsiyeeyey geerida Nabadoonka.
Waxa uu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen in ay la wareegaan degmada Balad-xaawo,hayeeshe ay ka hortegeen Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Dhaqane Qaasim Amiin ayaa kamid ahaa Waxgaradka Gobolka Gedo,waxaana sidoo kale uu ahaa Odayaashii ka qeyb qaatay dhismaha Dowlad-goboleedka Jubbaland sanadkii 2013-kii.