Jubbaland oo ka hadashay dagaalka ka soo cusboonaaday Gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Jubbaland ayaa ka hadashay dagaalka ka soo cusboonaday gobolka Gedo kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa degaanka Bohol Garas oo hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa dagaalkooda waxaa uu salka ku hayaa isku qabsiga dhul ku yaal degaankaas, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeeiyooday 6 Ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen,.sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Doolow.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ka Jubbaland ahaan ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed.

Dhanka kaler Wasiirka ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay colaada joojiyaan, waxaana uu sidoo kale Ciidamada dowladda uu ka codsaday inay kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamaya

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!