Jubbaland oo howlgalo ka dhan ah Al Shabaab ka bilaawday saddex jiho

Reading Time: < 1 minute

DG Jubbaland ayaa faah-faahin ka bixisay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose si Ciidanka Federaalka, Daraawishta & Dadka deegaanka ay u qabsadaan deegaannada ka maqan Dowlad-Goboleedkaas.

Jubbaland ayaa sheegtay in Ciidamada iskaashanay ujeedkoodu yahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Gobolka Jubada Dhexe oo guud ahaan ‘AS’ maamusho, Degmooyin iyo deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose & magaalooyin kale oo Gobolka Gedo ah.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Jaamac Faarax, Afhayeenka Ciidamada DG Jubbaland oo faah-faahin ka bixiyay howlgalkaas ayaa sheegay in saddex jiho oo muhiim u ah howlgalkooda ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Iskaashanaya ee Federaalka, Daraawiishta iyo Dadka deegaanka.

Saddexda goob ee Ciidamada ka wadaan howlgalkooda ayuu Gaashaanle Dhexe Maxamed Jaamac ku sheegay in ay kala yihiin: 1-Degmada Badhaadhe eeryadeeda, 2-Kismaayo agagaarkeeda oo saddex dhinac sii noqoneysa & 3-Xadka DG Koofur Galbeed.

“Howlgallo ballaaran baa guud ahaan Jubbaland ka socda, saddex qaybood baa dib u xorreyntu ka socotaa kuwaas oo kala ah, Badhaadhe, Kismaayo & Xuduudda DG Koofur Galbeed, bishaan oo dhan wuu socday howlgalkaan waxaana ku gaarnay tuulooyin muhiim, ujeedka ugu weyn ee howlgallada waa in cadawga laga saaro guud ahaan dalka gaar ahaan Jubbaland” G/Dhexe, Maxamed Jaamac Afhayeenka Ciidamada DG Jubbaland.

Afhayeenka Ciidamada DG Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Maxamed Jaamac Faarax ayaa sheegay in Ciidamadaan saddexda jiho ka duullay in ay isugu tagaan Bu’aale oo ah Caasimadda Dastuuriga ah ee Dowlad-Goboleedkaas.