Jubbaland oo diiday Go’aan kasoo baxay DFS (Ogoow sababta)

Dhawaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya waxa ay ku amartay Jaamacadaha ku yaalla dalka inaysan qaadan karin Arday aan soo marin imtixaanka ay qaado Wasaaradda, waxana Go’aankaas kasoo horjeestay Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland.

Warqad kasoo baxday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland Axmed Maxamed Cabdirisaaq ( Handal) ayaa lagu sheegay in Go’aanka dowladda aysan suuragal aheyn, isla markaana ardayda aan lagu xujeen  inay galaan laba imtixaan.

Waxaa sidoo kale Warqada Wasaaradda waxbarashada jubbaland lagu sheegay in amarkaas kasoo baxay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ay la wadaageen Madaxeynaha Jubbaland, isla markaana uu ku amray in ardayda deegaanada Jubbaland gelin lama imtixaan,waxaana Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya laga dalbaday inay go’aankaas dib u eegis ku sameyso.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Wasaaradda Waxbarshada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here