Jubaland oo gudaha Kismaayo ku qabatay xubno ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab

Reading Time: < 1 minute

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland ayaa sheegtay in ay gudaha magaalada Kismaayo ku qabatay xubno ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka wado xaafadaha kala duwan ee Kismaayo islamarkaana gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Shabaab.

“Howlgalladan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada ayada oo qeybo kalena lagu daba jiro” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda.

Nabad-sugidda Jubaland ayaa sidoo kale tilmaantay in ay si dhammaystiran uga warbixin doonto Hawlgalkaas markii uu dhammaado.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!