Jidadka soo gala Muqdisho oo la wada xiray & Ujeedka ka danbeeya

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay dalka lagu soo celiyay ciidamo u badan beesha Mariixaan oo lagu soo tababaray dalka Eriteriya kuwaaso la sheegay in ay ka badan yihiin 700, waxaana jira in dufcada labaad ee ciidankaas lagu wado in la soo celiyo bartamaha bisha Luulyo ee foodda nagu soo haysa.

Sida ay MOL xogta ku heshay ciidankaan ayaa gebi ahaanba la wareegi doona ammaanka magaalada Muqdisho ka hor inta aanu MW Farmaajo & golaha BJFS aanay ku dhawaaqin in muddo kororsi laba (2) sano loo sameeyay BJFS iyo Madaxweynaha, muddo kororsiga labada (2) sano ah ayaa lagu wadaa in Xalimo Ismaaciil (Xalimo Yarey) ay ka soo jeediso marka aay hortimaado Baarlabaanka

Haddaba, waxaa jira in DF ay bilowday maalmihii lasoo dhaafay in jidadka soo gala magaalada Muqdisho lagu xiray carro iyo dhagxaan waxaana arrintan la sheegay in haddii ay gadoodaan shacabka & ciidanka u badan beelaha deggan Muqdisho aanay helin Gurmad uga yimaada gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Sh. Hoose.

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa saan saan colaadeed taasoo ay hubaal tahay in marka lagu dhawaaqo muddo kororsiga ay magaalada Muqdisho ka bilaaban doonaan kacdoono ka dhan ah nidaamka kalitaliska ah ee Madaxweyne Farmaajo.