Jidadaka Ugu Muhiimsan Magaalada Muqdisho oo Qaarkood Saakay Xiran

Reading Time: < 1 minute

Waxa sakay lagu so wabariistay iyado Qaar ka mid Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay xiran yihiin, Ciidamo hor leh ayana lagu so kordhiyay magaalada muqdisho.

Isgoyska Tarabuunka, iyo dhammaan Wadooyinka soo gala Golaha Shacabka ayaa xiran, iyadoona halkaasi lagu daadiyay ciidamo dheeraad ah.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa sheegay in sidoo kale ay maanta xiran yihiin qeybo ka mid Jidka Makah Almukaramah.

Waxaa sidoo kale Howlgallo ka socdaan qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa maanta si ka duwan sidii hore gaadiidka u baaraya.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay martigelisay qaraxyo ay ku dhinteen dad badan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!