Jeyte “qorshaha ahaa-dagaal Al Shabaab kadib in Hiiraan State lagu dhawaqo”

Reading Time: 2 minutes

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo shalay sheegtay in loo doortay inuu yahay madaxweynaha dowlad goboleed cusub oo lagu magacaabo “Hiiraan State” ayaa Qudbadii uu  ka jeediyay halkii uu isku caleema saaray banaanka soo dhigay sir dad badan ka qarsoonayd.

Cali Jeyte ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo ganacsatada reer Hiiraan, gaara ahaan beesha Xawaadle ay horay ugu tashadeen ugana heeshiiyeen inay maamul gaar ah ku dhawaaqdaan marka ay deegaankooda ka xureeyaan argagaxisada Al Shabaab.

Arintaan ayaa dad badan ku dhalisay fajicis iyo yaab, madaama  ujeedada dagaalka Al Shabaab uu isaga iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle u qaaleen ahayd inay maamul gaara dhistaan.

Dhanka kale , Celi Jeyte oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa shaaca ka qaaday in doorasho gacan taag ah oo ka dhacday magaalada Beledweyne loogu doortay madaxweyne.

Cali Jeyte ayaa sheegay in reer Hiiraan ay tashadeen, isla-markaana ay sameysteen maamul ka madax bannaan HirShabelle, kaas oo la magac baxay “Hiiraan State” waxa uu tilmaamay inay go’aansadeen inay ka hoos baxaan HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkan waa dad bani’aadam ah waa dad Soomaaliyeed aragti ayay lee yihiin, aragtidooda ayay soo bandhigeen, marka waxay go’aansadeen inay dalladdaa ka hoos baxaan oo State kale sameystaan ayay go’aansadeen” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in isaga loo doortay madaxweyne, halka ku xigeenna loo doortay Axmed Inji oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii amniga ee Hiiraan.

“Madaxweyne iyo ku xigeen waxaa loo doortay aniga iyo nin la yieraahdo Axmed Cismaan Cabdalle (Inji)” ayuu mar kale wareysiga ku yiri guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale ka hadlay khilaafka kala dhexeeya madaxda HirShabelle, wuxuuna sheegay in uusan marnaba diyaar u aheyn inuu ka hoos shaqeeyo Cali Guudlaawe iyo Dabageed.

‘Aniga hal mid ayaan kuu caddeynayaa diyaar uma ihi inaan dad ka hoos shaqeeyo, haddii ay wax kasta dhacaan nimankan iyaga ah ewelbaa dhib ku qabay” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada weli xiisada kacsanaan ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne, waxaana ku wada sugan guddoomiyaha lasoo magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow iyo Cali Jeyte oo ciidamo ku heysta magaaladaasi.

Guddoomiyaha cusub oo hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda ka taagan gudaha magaalada Beledweyne ay salka ku hayso sharciga oo aan lagu dhaqmeyn, “Haddii sharciga lagu toosnanayo oo meesha wax uu dhigo la dhigayo ma timaadeen.”

Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan, basle dhaq-dhaqaaqyadan ayaa saameyn ku yeeshay howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday gobolka Hiiraan.