Jeppe K.” “Kheyre waxa uu ogolaaday in qaxootiga Somalida dib u soo celino”

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Denmar Jeppe Sebastian Kofod oo booqasho hal maalin ah ku tagay magalaado Muqadishu maalintii Arbacada ayaa kulan uu la yeeshay Xasan Cali Kheyre waxa uu kala hadlay dib u soo celinta dad Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalka Denmark.

Dowlada Denmark ayaa in mudo ah waxa ay qorshaynaysay in ay dib u soo celiso dad badan oo Soomaali ah oo qaxooti ku ah dalkaas. Wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre uu soo dhaweeyay soo celinta qaxootiga Soomaalida. Xasan Kheyre ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto nabad buuxda isla markaana uu amar ku siin doono wasiiradiisa in ay fududeeyaan soo celinta Qaxootigaas.

Wasiir Jeppe ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay u soo diri doonto dalka Denamrk  wafdi uu hogaaminaya Wasiirka Amniga Ducaale iyo kan Arimaha Gudaha si ay u fududeeyaan soo celinta dadkaas Qaxootiga ah.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Denmark ayaa waxa uu wal-wal ka dhex abuuray qaxootiga Soomaalida ee aamaanka iyo nolosha  u raadsaday dalka Denrmak. Xasan Kheyre ayaa ka been abuuray xaalada rasmiga ah ee ka jirta dalka Soomaliya isla markaana taageeray siyaasada  cunsiriyadda ku dhisan ee  ku dhaqmayaan xisbiga talada haya ee dalka Denmark.

Nimco Shiikh oo ka mida dadka ku dhaqan magalaada  Aarhus ayaa tiri, “halkaan dan iyo daruuf baa na keentay, xaaladii aanu uga soo cararnay Soomaaliya isma badalin, ninka waalaan ee Xasan Kheyre jiritaankeenii ayuu ka soo horejeeda, waxa uuna noo abuuray cadawtinimo keeni karta in dad badan oo Soomaali  la beegsado..

Xasan Kheyre ayaa ah shaqsi aan ka hishoonin ku dhaqanka beenta isla markaana talaabo kastaa oo uu qaadayo ka dhex arkayo danahiisa isaga u gaarka ah. Nasiib xumo dalkana kama jiro baarlamaan difaacaya xuquuqda qofka Soomaaliga ah.