Jeneral Liibaan Cali Yarow oo Gorgortan Ganacsi iyo Gacan Maris Hormaris ah u Tagay Talyaniga.

Reading Time: 2 minutes

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka side ee Somaliya Jeneral Libaan Cali Yarow ayaa waxaa booqasho daneysi ah ku tagay dalka Talyaaniga, magaalada Bari, halkaas oo uu shirar xiriir kula yeeshay ganacsato yar yar oo Talyaani ah, deggana magaalo xeebeed yar oo ku taalla koofurta fog ee Talyaniga,  kuwaas oo uu kala hadlayey xaafado laga dhisayo Somaliya. Muqaal ay TRM 24 soo dhigtay barteeda yutubeka ayaa waxa ka muuqda Jenenka oo ganacsi iyo hawlo ay leeyihiin wasaaradaha Ganacsiga iyo Dalxiiska faraha kula jira kana gorgortamaya waana is dhexyaaca dowladdaan. Koonfurta Talyaniga oo lagu yaqaanno hawlaha xakameynta iyo indhsarcaadinta madaxda ayaa Gudoomiyaha geeyey magaalada Bari oo aan wax sidaas ha ka fogeyn Magaalada Napoli.

Haddaba waa maxay sababta uu Guddomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sidaa arrimo ganacsi iyo dalxiis uga hadalayo, iyadoo ay joogaan Wasiir Maareeye iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, maxaasa ka khuseeya in xaafado ladhiso iyo in dalxiis la horumariyo haddii uusan dan kale ka lahayn arrintaas. Qraal laga soo saaray kulanka ayaa agu yiri:A Bari, il consigliere delegato, Vito Lacoppola, ha ricevuto in visita il Generale dell’Esercito e Presidente della Suprema Corte Militare delle Forze Armate della Repubblica della Somalia, Liban Ali Yarrow, in visita in Puglia per una serie di incontri con istituzioni e gruppi imprenditoriali oo macnahiisu yahay Magalada Bari, agaasimaha maamulka, Vito Lacoppola, ayaa soo dhaweeyey  General  ah Milateri ,  Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Liibaan Cali Yarrow, oo booqdey Puglia shirar taxane ahna la yeeshay hay’ado iyo kooxo ganacsi.

Dad badan ayaa arrintaan ku wareeray waxayna ka muujiyeen inay tahay xadgudub sharciyeed iyo mid mas’uuliyadeed. Ruux aan kala garan Karin waxa saxda ku ah mas’uuliyadiisa iyo waxa aanu sameyn kari sarkaal ciidan oo haddana maxkamad dad dil ku xukuntaa fadhiya sidee lagu aaminayaa go’aamadiisa  inay sax yihiin waa arrin cabsideeda leh ayuu yiri shkhsi aqoonyahan ah oo arrintaan u soo gudbiyey MOL.

Waxaa MW iyo RW iyo ciddii kale ee awood sixideed ku leh laga sugayaa inay tallaabo ka qaadaan shakhsigan sida xun meel uga dhacay sharafta maxakamadda Soomajeestayaasha qalabka sida oo dukaanley badeeco iyo dalxiisa wax la hoos geliyaa magaca Maxkamadda kula fadhiistay si wax xoogaa dhac dhac ah uu uga helo. Haddiisa ay la ogyihiin madaxda sare waa inay iyagu mas’uuliyadda qaadaan oo ka jawaabaan haddii kale waa in ay mas’uuliyaddas culus ka wareejiyaan oo u dhiibaan shkhsi ku imaanqaba waxa uu halkaas sida sharciga uga helo, caddaaladna ku fuliyo. Haddii kale iyagey qiyaamaha hortaallaa.

Mas’uuliyiinta loo igamdo ilaalinta xeerarka iyo shuruucda dalka waxaa laga rabaa inay noqdaan shakhsiyaad dhowrsan oo aan dhicdhicin, ilaaliyana hay’badda xafiiska ay ku fadhiyaan. Xataa haddaan maanta lagu qaban Karin waxaa imaneysa maalin ay taariikhdu sheegto oo gadaashooda la fiiriyo.