Kheeyre oo Abaabulaayo Qorshe Been iyo Dacaayad Looga Faafinaayo Gudoomiye Jawaari!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil oo kamid ah xildhibaanada mooshinka ka keenay gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in mooshinka laga keenay guddoomiyaha la horgeyn doono Golaha Shacabka.

Xildhibanka ayaa sheegay in xildhibaanada mooshinka keenay iyo kuwa taageeray ay tiradoodu gaareyso 223 mudane wuxuuna gudoomiyaha  Golaha Shacabka ku eedeyay in uu jebiyay qodobo ka mid ah Dastuurka, Xeerhoosaadka iyo shuruucda dalka u yaala.

Qodobada  lagu eedeeyay gudoomiye Jawaari ayaa waxaa ka mid ah inuu jebiyay qodobka afraad ee Sareynta Dastuurka Soomaaliya, Inuu jebiyay qodobka 68-aad ee dastuurka iyo sidookale farqooyinka koowaad iyo 3-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in gudoomiye Jawaari uu yiraahdo wuu dhamaaday  waqtigii mooshinka  cod lagelin lahaa sidaas darteed uu mooshinkaasi fashilmay isagoo xildhibaannada ku wargeliyay in ay kasoo qeyb galaan kulamada furmi doono.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!