Jawaari iyo Farmaajo oo isku Baheeysanaayo Qodob Halis ku ah Xassan Cali Kheeyre inta aan la gaarin mooshinka!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka aynu ka heleeyno Villa Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay Markaan u heshiinayaan R/wasaare Xassan Cali Kheeyre oo la Rumeeysan yahay in uu ka dheereeynaayo Howlahiisa Caadigga ah

Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya ayaa mareysa meel xasaasi ah iyadoo magaalada Muqdisho ay gashay jawi cusub.

Xildhibaanada ku kacsan Gudoomiye Jawaari ayaa dhoola-tusyadii ugu dambeeyay sameeyay halka dhanka xildhibaanada taageersan Jawaari ay la hadlayaan oo kaliya saxaafada qaarkoodna ay baraha bulshada adegsanayaan.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa Warar hoose oo ay Heshay Muqdisho Online waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari ay isla garteen in Xildhibaanadda Mooshinka ka wada Jawaari mid mid loola Kulmi islamarkaana la dhabar-jabiyo Kooxda Qiyaano qaran Ee Kheeyre

Laakiin, waxaa heshiiyay madaxweyne Farmaajo & Gudoomiye Jawaari, warar lagu kalsoon yahay ayaana tilmaamaya in Villa Somalia ay ku kalsoon tahay in mooshinka Jawaari uu guul dareysan doono.