Jawaabta Dacwadda Badda Ma Dhaawici karto Xiriirka Derisnimo ee Kenya iyo Somaliya.

Reading Time: 3 minutes

Carrab iyo Ilko oo af ku wada jira ayaa is qaniina, isku dhaca iyo ismaandhaafka waxaa dhala socodka waayaha dunida iyo is gaarka labada dhinac ay ismaandhaafaya, waxaasa ilbaxnimo ah in loo xalliyo si uu xiriirka uga sii wanaagsanaado meeshii uu joogay lana dhayo boogaha ismaandhaafka ka dhasha.

Dalka Kenya kalama guureyno waxaana uu Allah swt naga dhigay deris ooddoodu isa saameyso, taas oo runtii aan abaal weyno ku qabno haddii ay aan Somaliya nahay. Kenya weligeed noogama faa’iideysan qaranjabkii nagu dhacay ee waa noo faa’iideysay waxay si walaalnimo ah u soo dhaweysay qaxootigeenna oo ilaa iyo maanta weli deggan halkaas, waxay dhiig iyo dhaqaalaba u hurtay inay wiilshadeeda iyo gabdhaheeda ay dalkeenna u dhintaan, waxay shacbigeenna kuwooda awooda u ogolaatay inay Caasimadooda si xor ah u degaan hantina ku yeeshaan sida MW Farmajo .

Sidoo kale waxay ilaalisay midnimada iyo qaranimada dalkeenna  oo ma ogolaan inuu dalkeenna kala burburo oo ay nakala jiidato. Waxaana dalkeeda lagu soo dhisay dowladdii Cabdulaahi Yusun uu hogaaminayey oo dhashay seddexdii dowladood ee ka dambeeyey.

Sidaas darted Xukunkaan ma keeni karo in aan Kenya ku diganno, kana abaal ka dhacno oo ku xumeyno haddii jawaabta noqoto mid dhankeenna u dhacda.

Waxaa kaloo iyadana muhiim ah inaan ka texgelinno sidii aan ugala xaali lahayn in haddii baddeeda ay soo koobnaato inaan u ogolaan karno waddooyin badda ah oo uu ganacsigooda mari karo, taas oo kordhineysa wanaagga iyo wax wada qabsiga labada dal.

Dadka iyo dowladda hadda xilka sii haysaa waa inay aad uga digtoonaadaan in xukunkan uu shido dabkii colaadda oo ay labada dal ku sii kala fogaan lahaayeen.

Waa mahad weyn leh dad badan oo arrintaan ka soo shaqeeyey oo keenay heerkan iyo inay guul ku dhamaato. Dowladda hadda jirtaa waxay mudan tahay in lagu amaano arrimahan:

  1. Arrinta Badda: Inaysan wax tallaabo ah oo wax du dhimaya qaadin arrinka badda oo ay ugu yaraan halkii ka sii wadday hawshii ay bilowday dowladdii ka horreysay marka laga tago erayga “Markii ugu Horreysay” oo ahaa been siyaasadeed iyo awrkacsi uu hogaanka u hayey Xasan Cali Kheyre.
  2. Miisaaniyadda: Dalka oo Miisaaniyad loo sameeyo oo ay soo bilaawday dowladdii hore tanna waa sii wadday inkastoo ay jiraan xisaabxerro weli taagan oo loo baahnaa in looga daydo dowladdii hore.
  3. Deyn Cafinta: Deyn cafinta waxaa soo bilaabay dowladdii Xasan sheekh waxaana dad badni ay qabaan in haddii sidii ay u diyaariyeen loo sii wadi lahaa in maanta la gaari lahaa Barta Go’aanka (Decision point) waayo waxay uga tageen SMP4 welina halkii ayuu taagan yahay. Laakiin waxaa lagu amaani karaa dowladaan inaysan dhawac u geysan oo weli horusocodkiina  la sii wadi karo marka ay timaado dowladda Xigtaa.
  4. Hawada Somaliya: Hawada Somaliya waxaa loo raray dalka Kenya markii ay dowladdii dhacday, hasa yeeshee dowladdii Xasan Sheekh waxay ka shaqeysay in dib loo soo celiyo waxayna ku guuleysatay inay saxeexdo heshiis lagu soo celinayo gacanta Somaliya horraanta 2017, waana dhacday inkastoo ay dowladdaas xilka wareejisay haddana dalka waxay uga tagtay dowlada M. Farmajo oo guddoontay wareejintaas, waana lagu amaani karaa la wareegidaas iyo ka shaqeysiinteeda.
  5. Ka Xoreynta Shabaab ee dalka: Intii ay jirtya dowladdii hore Degaannada ay Al-shabaab dhiigga muslimiinta Somaliyeed ku daadin jireen ee gacantooda ay ka maroojiyeen geesiyada Xoogga dalka Somaliyeed oo  gacan ka helayey walaalaha AMISON waxaa ka mid ahaa: Buulobarde, Mahaddaay, Cadale, Warsheekh. Aadan-Yabaal, Maxaas, Baladweyne, Matabaan, Ciilbuur, Galcad, Ruunirgood, Janaale, Qansaxdheere, Baardheere. Marka.Baydhabo. Baraawe. Xudur. Garbahaarrey. Waajid. Diinsoor. Qoryooley. Wanlaweyn, Buur Hakaba, Buulo-mareer, Kismaayo, Luuq, Jowhar, Jalalaqsi. Dowladdaan waxay amaan ku mudan kartaa in aan dhammaan magaalooyinkan dib looga wada qabsan oo qaar ka mid ah weli waa xor amaantana waxaa iska leh dowladdaan Farmajo oo ka difaacday shabaabka ay dib ula wareegaan, waana ku amaanan yihiin.
  6. Tayeynta Ciidanka Dalka: Waxaa la soo bilaabay xelligii Xasan Sheekh waxaana la qabtay Ciidammada oo markii hore tababarro aan badneyn loogu diri jiray dalalka deriska sida Uganda, Djibouti iyo Ethiopia, hadda waxaa ay tababarro heer sare ah ku soo qaataan dalalka ku horumaray dhinaca ciidammada sida Mareykanka, Talyaaniga, Turkiga, Imaaraadka iyo kuwo kale, halkaas oo ay saraakiisha qeybaha kala duwan ee ciidammadu ku soo qaataan tababarro heerkoodu sarreeyo, kuwaasoo isbadaalla muuqda ku sameeyey hawlgallada ciidanka dalka. Waxaa kale ayey dowladdaas Xasan Sheekh la sexeexatay heshiiskan aad loogu faa’iiday ee TURKISOM oo ay hadda dhowrkii biloodba ka soo baxaan dufcado ciidan ah oo wax gal ah. Habeynta ciidanka iyo mushaarkooda waxay ahayd hawl aad u muhiim ah oo dowladdii Xasan sheekh ay jeexday Khadka iyo hannaanka loo raacayo kaas oo lagu amaani karo dowladdaan hadda jirtaa oo aan ka leexanin waddadii la jeexay, lana arki guusha ka dhalatay oo ay labada dowladood wada leeyihiin.

Ugu dambeyn waxaan madaxdeenna  kuwii hore iyo kuwa hadda uga digeynaa inaysan colaad iyo naceyb nooga abuurin dalka Kenya oo ah dal aan deris nahay walaalo Afrikaan ahna aan nahay  taas oo ah in laga fogaado buunbuunita xukunka dhinaceenna u dhacaya oo la filayo inuusan dal raacine uu xaqa raaco.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!