Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa aad uga xumaaday sida loo soo dhaweeyay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur gaar ahaan kalinta ay ka qaateen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed oo aan fasax ka qaadanin hogaanka dowlada. MW Farmaajo iyo RW Kheyre ayaa u yeeray Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal Dahir Aden (Indha Qarshe). Laba maas’uul ayaa ku wargaliyay in uu si dhaqso ah u soo xiro dhamaan ciidanka waardiyaha ka haya Cabdiraxman Cabdishakur iyo taliyayashooda gaar ahaan kuwa hadda ku sugan guriga siyaasiga.
Janaraal Dahir Aden Indha Qarshe oo ah waayo arag qibrad u leh ciidanka waxbadana kala socda qaabdhismeedka ciidanka ayaa u sheegay MW Farmaajo in ayan macquul ahaynin in xiligaan weerar lagu qaado guriga siyaasiga isala markaana ciidanka la soo xiro. Indha Qarsho ayaau sheegay Farmaajo qaladka jiraa waxa kaliya ee lagu sixi karaa waa qaab siyaasad ku dhisan laakiin xoog laguma xalin karo.
Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxa uu amar ku bixiyay in General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cade) la soo xiro madaama uu isaga yahay ninka ciidanka geeyay hooyga Cabdiraxman Cabdishakur. Indha Qarshe ayaa markale ku celiyay in uusan haysanin awood uu ku weeraro ama uu ku soo xiro Janaraal indha Cade. Janaraal Indha Qarshe ayaa kula taliyay Ra’iisal Wasaare Kheyre in xiriitaanka ama darajo ka qaadka Janaraal Indha Cade loo maro si sharciga waafaqsan hadii kale waxa imaankara dagaal beeleed dad shacab ah ku dhintaan.
Dowlada Farmaajo ayaa u muuqata mid doonaysa in ay dagaal ku qaado hoyga Siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakur. Farmaajo ayaa sheegay in hadii la ogolaado waxa uu ku kacay “ina Cabdishakur” ayan jirin karin dowlad isla markaana ay luminayaan xooga ay dalka ku haystaan.