Warar degdeg ah oo hadda MOL ka soo gaaray Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in bamka dhulka laga galiyo loo galiyay colonyo ciidan ah oo uu watay Janaraal Cumar Dhere oo ah taliyaha ciidanka guutada 12naad ee ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Qaraxa ka dib ayaa waxa la is dhaafsaday rasaas halkaas oo uu ku dhintay Janaraal Cumar Dhere iyo ilaaladiisa. Weerarkaan ayaa ka dhacay degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Horaantii sanadkan ayaa ay ahayd markii Ciidanka Xooga Dalka oo kaalmaysanaya ciidanka AMSION ay dib uga qabsadeen degaanka Dhanaane Kooxda Al Shabaab.