Janaraal Canood oo xalay lagu weerary agagaarka warshadda caanaha ee degmadda Hodan

Reading Time: < 1 minute

Waxaa habeenkii xalay ahaa  abaarihii  lixda  marqribnimo  la  weeraray Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka  Janaraal Caanood, weerarlkaan ayaa ka dhacay warshadda caanaha ee degmadda Hodan.
Janaraal Canood ayaa watay Gaari nooga aan xabadaha kalin  iyo gawaari kale oo ciidan. Gaarihii abaanduulaha ayaa  waxa lagu hor jaray gaari kale oo ciidan halkaasna la isku rasaaseeyay. Dhawacyadii illaaladiisa iyo isaga ayaa u baxsaday dhanka Villa Somalia. Lama oga inta ku dhimatay ama ku dhawacantay weerarkaas.  Weerarkaas ayaa ka dhacay meel aan ka fogeeyn wasaaradda gaashandhiga oo maalmahan danbe saldhig u ahayd MW Farmaajo.