Janaraal Caanood oo Safar dhulka ah ku Tagaya Garbahaareey Asigoo Maraya Degmooyin Al-shabaab Gacanta ku Hayaan!!

Reading Time: < 1 minute

Abaan duulihii hore Ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa la sheegay inuu doonayo sidii uu ku gaari lahaa Deegaano Ay Ka horeeyaan Xarumo Shabaabku leeyihiin.

Shalay Jimcihii ayaa waxa Qarax lagu weeraray Taliye Caanood Balse uu ka bad baaday isagoo kadib dagaal la galay Shabaab jidka ugalay.

Askar badan iyo Kudhawaad 40 Gaadiidka Dagaalka ayaa General Caanood la socda,islamarkaana aysan sahal aheyn in la qabto ama la toogto.

Shalaanbood oo katirsan Shabellaha Hoose ayey gaareen,ka hor inta Garoonka mac malka Beli doogle kulan qarsoodi ah kula yeelan Saraakiil Ameerikaan Ah.

Khamiistii ayaa Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu shaqada ka ceeriyey Saraakiil Ciidan uu ka mid ahaa General Caanood oo Abaan duulaha Ciidanka Xoogga Dalka ku magacaabnaa.

Warar aan helnay ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Caanood uu wato doonayaan sidii ay Baardheere ugaari lahaayeen.

Balse waxaa adag in Shabaabka Kusugan Deegaano Xiriirsan ka gudbo,waxaase uu Generalku ku adkeystay in safarkiisa uu sii wadan doono ilaa Gedo uu gaaro.