Qoraal ka soo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay dhiira-gelineyso joogitaanka madaxda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa maamullada ee ku sugan Muqdisho.
QM ayaa sidoo kale ku boorisay dhinacyada ku shirsan Afisyooni inay xal ka gaaraan caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa xustay wada-hadalladu ay sii socon doonaan inta xal looga gaarayo muranka hareeyey doorashooyinka Soomaaliya.
“Waxaan fahamsanahay inay madaxda qorsheynayaan sii wadida wada-hadalkooda, waxaana ku boorineynaa inay heshiis ku gaaraan wada-hadalladooda muhiimka ah,” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo shir ay soo qaban qaabisay beesha caalamka uu Muqdisho uga socdo madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada.