James Swan oo walwal ka muujiyay dib u dhaca qabashada doorashada

Reading Time: < 1 minute

Wiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo ka hadlay shir ka dhacay dalka Turkiga ayaa sheegay in waqtigeeda oo lagu soo geba-gebeeyo hanaanka doorashada Soomaaliya ay muhiim u tahay dalka, xilli ay muuqato inay dib uga dhaceyso waqtigeeda. 

Waxa uu walwal ka muujiyay dibu dhaca ku dhaca ku yimid qabsoomida doorashda. “In hanaanka doorashada waqtigeeda lagu soo dhameystiro, iyo si ku dhisan heshiis haysta dhammaan taageerada shacabka Soomaaliyeed, waa u muhiim xaqiiqdii wax ka qabashada ahmiyadaha dalku u baahan yahay ee dadka looga faa’iideynayo,” ayuu James Swan u sheegay wakaaladda wararka Anadolu, isaga oo ku sugan magaalada Antalya oo uu kaga qeyb-galay madasha diblomaasiyadda ee Antalya Diplomacy Forum.

“Tani waa daqiiqad muhiim u ah Soomaaliya,” ayuu yiri madaxa howlgalka QM ee Soomaaliya. James Swan ayaa ammaanay dadaallada la xiriira doorashada ee uu wado ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo bishii April si rasmi ah ula wareegay maamulka doorashada iyo amnigeeda.

Waxa uu i taas ku dairy “Aad ayaan ugu qanacsannahy in lixdii toddobaad ee tegay, uu ra’iisul wasaare Rooble hoggaamiyey wada-hadallo dhab ah oo uu la yeeshay madax goboleedyada, oo ay heshiis doroasho isku raaceen 27-kii May, kaasi oo deg deg ah loo hirgelinayo, waxaana si firfircoon u taageereynaa fulintiisa,” 

Dhanka kale James Swan ayaa  carab ka ku dhuftay in saaxiibo badan oo caalami ah ay si aad ahu daneynayaan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana Turkiga ay ka mid yihiin kuwa ugu muuqda.  “Turkey waxay ku lug leedahay taageerada qeybta amniga, waxay ku lug leeyihiin dhaq-dhaqaaqyada arrimaha bani’aadannimo. Turkey sidoo kale waxay kaalin ka qaadaneysaa xiriirka dhinacyada aan dowliga aheyn,” ayuu yiri.