James Swan oo taladii dalka dib ugu celiyay Dowlad Goboleedyada iyo doorashada 2020/21 oo go’aan wadajira laga gaarayo

Reading Time: 2 minutes

Wakiilka cusub ee Xog’hayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Mudane James Swan ayaa soo gabagabeeyay kulankii uu la lahaa madaxda dowlad goboleedyada kuwaas oo looga arinsanayay geedi socodka dowladnimada Soomaaliya iyo dhamaystirka tiirarka qabyada ah inta aan la gaarin dabayaaqada sanadka danbe.

Mudane James Swan oo ah qabiir aad ula socda arimha Soomaaliya isla markaana ay shacabka Soomaaliyeed qadarin u hayaan ayaa qaatay go’aano culus oo uu ku dardargalinayo arimaha muhimka ah oo ay tahay in uu ka caawiyo dowlada Soomaaliyeed.

Safarka uu dhawaan ku tagay dowlad goboleedyada ayaa waxa ay astaan u tahay dariiqa cusub ee uu qaatay James Swan. Soomaaliya waa dal fedaraalka sidaaas darteed waxa la xaqiijinayaa in dowlad goboleedyadu awood ku leeyihiin talana ku leeyahay masiirka dalka.

Dhanka kale James Swan ayaa waxa uu diirada saarayaa sidii loo xaqiijin lahaa in si deg deg ah loo dhamaystiro arimaha dastuurka taas oo suuragal ka dhigaysa in ay cad yihiin awoodaha kala duwan ee la isku haysto. James Sawan waxa uu horay ula kulmay wadamada Soomaaliya ka caawiya dastuurka iyo madaxda wasaaradda dastuurka kuwas oo dhamaantood uu ku adkeeyay in la dardar galiyo dhamaystirka dastuurka.

Waxaa muuqata in ay faraha ka baxday  awoodii iyo duulduulkii Farmaajo iyo Kheyre, waxaana dib loo soo celiyay awooda dowlad goboleedyadda oo ay ahayd markii horaba in talada dalka laga qaybgaliyo. Doorashada Jubbaland oo ay ka hartay mudo shan asbuuc ah ayaa marka ay dhamaato waxa iyadana albaabada ka soo xirmi doonaa awood sheegashadii dowlada fedaraalka ee ay iyadu si gaar ah go’aanada uga gaari jirtay.

Sida ay ilo xog’ogaal ah u xaqiijiyeen MOL, kulamo gaar ah oo mudane James Swan   la qaatay labada dowlad goboleed ee Villa Soomaaliya maamusho ee Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ayaa labaduba u sheegeen in ayan jirin  wax xiriir wada shaqayn oo rasmi oo kala dhaxeeysa dowlada Fedaraalka. Waare iyo Lafta gareen. Waxa ay sheegeen in Kheyre uusan hal qodob ka fulin balamihii uu la galay labada Maamul. Sidoo kale  waxa ay labada maamul  u sheegeen Mudane Swan in dalku ku socda god oo hadii uu galana aan laga soo celin karin.