James Swan oo ku baaqay in shir degdeg ah oo dhexmara DFS iyo Dowlad Goboleedka

Reading Time: < 1minute

Sida ay noo xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay James Swan oo ah wakiilka Gaarka ee Xog’hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay shir ay isugu yimadaan n madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, si loo dhameeyo is mari waaga ka taagan doorashada iyo inuusan dalka ka dhicin firaaq dastuuri ah.

Shirka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo soo aadan ay kulan isugu imaan doonaan madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada, iyadoona garwadeyn ay tahay beesha caalamka. Waxaa wali taagan ismariwaaga la xiriira hannaanka doorashada Soomaaliya, xilli uu waqtiguna aad usoo dhawaanayo, laakiin garabyada mucaaradka ayaa u arka beesha caalamka in ay tahay rajada kaliya ee xal lagu heli karo.