James S. oo wada da’daalo lacag loogu raadinayo doorashada iyo ka hortaga Musuq-maasuqa

Reading Time: < 1 minute

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa uu kulan kula qaatay Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma. Kulanka James Swan ayaa waxa uu daba socdaa kulamo kale oo uu ku tagay wadamada carabta.

Safarka uu James Swan ku kala bixinayo caalamka ayaa ujeedadiisu tahay sidii lacag loogu heli lahaa qabsoomida doorashada oo aan loo haynin wax qarash ah. Dhanka kale James Swan ayaa dhankiisa waxaa uu caalamka ku baraarujinayaa sidii looga horatagi musuq-maasuqa lagu iibsanayo codadka doorashada, gaar ahaan midka uu qorsheynayo Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaalada amni ee dalalka Geeska Afrika gar ahaan Soomaaliya maadaama dowladda Kenya ay Ciidamo farabadan ka joogan meelo kamid ah Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma oo qoraal soo dhigtay Barteeda twitterka ayaa sheegtay in Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ay is dhaafsadeen qaababka loo xoojin karo iskaashiga amniga gobolka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa dhawaan socdal ku tegay qaar kamid ah dalalka Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya gar ahaan Sacuudiga & Imaaraadka, isaga oo kala hadlay arrimaha amnga & doorashada Somaaliya.

Socdaalka Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan uu ku tegay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan xal laga gaaray khilaafkii diblumaasaiyadeed ee u dhaxeeyay Soomaaliya & Kenya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!