Iyada oo ay ka socoto dalka kenya baaritaan ay sameeynayso jaamacadda MOI International taas oo la xiriirta in Jamal Maxamed Xasan uu ka been abuuray qaabka uu ku qaatay Shahaadada Sare ee jaamacada MOI International ayaa waxa asbuucaan waraaq cadayn ah soo saartay Jamacada wayn ee Carleton University ee ku taala Magaalada Ottawa ee dalka Canada. Jaamacada ayaa sheegtay in Jamal Maxamed Xasan susan ka qalin jabin jaamacada isla markaana uu ka been abuuray magaca jaamacada.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ka dib markii baaritaan lagu sameeyay diiwanka Jaamcada laga waayay Jamal Maxmed Xasan. Jaamacada ayaa sheegtay in Jamal uu dhowr kooris ama classes uu ka qaatay jaamacada dabayaaqadii sagaashamaadkii qaarkoodna isaga oo aan dhamaynin uu isaga tagay Jaamacada.
Jamal Maxamed Xassan ayaan ka hadlin dacwada ka socoto Jaamacada MOI International, waxaa uuna gooystay in uu iska dhagatiro isaga oo aaminsan in hadal haynta beenabuurkiisa ay iskeed isaga dhamaandoonto.
Hogaanka Jaamada MOI international ayaa la filayaa in ay dhawaan soo saaraan qoraal ay ku cadeynayaan in ay shahaadada kala noqdeen Jamal Maxamed Xassan. Qaar ka mida Jaamacadaha ku yaala dalka Kenya ayaa waxa haysta culays ah in ay shahaadada kala noqdeen shaqsiyaadka sida been abuurka ku qaatay shahaadada Jaamacada. Madax ka tirsan dalka Kenya ayaa shaqadooda ku waayay shahaadooyinka been abuurka ah ay ka qaateen jaamacadaha Kenya.