Jahawareer ka dhashay Kursi Maanta lagu dooranayo Beledweyne iyo wararkii ugu danbeeyay..

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inuu khilaaf ka taagan yahay doorashada kursi ka mida Baarlamaanka Federaalka ee yaalla magaaladaasi oo la filayey in maanta la doorto.

Khilaaf ayaa ka dhashay shahaado siinta musharxiinta u taagan kursiga HOP004, iyadoo ay xaaladu gaartay gacan ka hadal iyo Nalka laga damiyo xaruntii ay ka socotay diiwaan gelinta musharixiinta, waxaana kala qeybsamay Guddiga Doorashada ee Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inu la hakiyey doorashadii kursiga HOP004, isagoo sabab uga dhigay xaalad amni darro iyo cabasho kasoo gaartay beelaha kuraasta leh.

Khilaafka u dhaxeeya xubnaha Guddiga Doorshada Hirshabeelle ayaa gaartay inay boggii Facebook ee Guddiga uu la wareego hal xubin, lagana saaro musharixiinta caawa la siiyey shahaadda Musharaxnimo.

Mar danbe ayaa Bogga lagu faafiyey qoraal ah in lagala wareegay oo ay dib u soo celiyeen gacan-ku heynta Bogga, waxaana lagu shaaciyey magacyada afar musharax oo uku tartamaya kursiga HOP004 oo Berri ka dhaceysa magaalada Beledweyne.

“Guddiga Doorashada ayaa diiwaangeliyay guddiga Xulista Ergada iyo murashaxiintii u tartamaysa kursiga HOP#004. Doorashada Kursiga ayaa la filaaa in ay qabsoonto Maalinta Bari ah oo taariikhdu tahay 14/03/2022”

Khilaafka iyo jaha-wareenka ka taagan caawa magaalada Beledweyne ayaa salka ku haysa khilaafka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa oo ku kala aragti duwan in dad gaara loo xiro kuraasta iyo in la furo.

Waxaa socda shirar ay leeyihiin Guddiga Doorashada Hirshabeelle iyo Madaxda maamulkaasi, waxaana la filayaa in xal laga gaaro arrintan, xilli Madaxweyne Cali Guudlaawe la filayo inuu Berri ku laabto magaalada Jowhar.